Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe waxaa la filayaa in Maalinta Berito ah ay k dhacdo munaasabada Caleemo saarka Madaxweynaha Maamulka hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare.
Caleemo saarka Madaxweyne oo dhowr mar dib loo dhigay ayaa waxaa diyaar garoow haatan laga dareemayaa Gudaha Magaalada jowhar oo ay ku sii qul qulayaan Xildhibaano ka tirsan Baarlaamanka Soomaaliya iyo Siyaasiyiin.
Xogaha ay Dalsan heleyso ayaa waxa ay sheegaayn in Xubnaha dowldda uga qeyb galaya Munaasabada uu ugu horeeyo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre maadaama Madaxweyne Farmaajo uu aaday Safar dhanka dibadda ah.
Ammaanka guud ee Magaalada Jowhar ayaa aad loo adkeeyay, waxana sidoo kale la filaya in Saacadaha nasoo aadan ay tagaan Masuuliyiin kale iyo Siyaasiyiin xilal kala duwan dalka ka soo qabtay.
Sidoo kale Munaasabda ayaa waxaa ka qeybgeli doona Madaxda dowlad Goboleedyada dalka in kastoo uu jiro khilaaf kala dhaxeeyo madaxda dalka.