Aadan Cabdi Maxamed oo ah gudoomiye kuxigeenka Maamulka degmadda Xudur ee gobolka Bakool ayaa waxaa uu ka hadlay xaalada amaan ee degmadda iyo tan nolosha.
Gudoomiye kuxigeenka ayaa shaaciyay in ay xaqiijiyeen in magaalada ay ka baxday go’doonka kadib markii wada shaqeyn fiican ay dhexmartay dadka deegaanka iyo maamulka.
Dhinaca kale gudoomiye aadan cabdi maxamed ayaa ugu baaqay hey’adaha samafalka in ay gargaar bini’aadanimo lasoo gaaraan dadka ay ku adagtahay xaalada nololeed kuwaas oo aan heysan wax ay ku afuraan.