Dhageyso:-Gudoomiyaha Degmada Waaberi oo shaaciyay Sadax qodob oo uu ku Shaqeyn doono

Gudoomiyaha Degmada Waabari ee Gobolkaan Banaadir Rowdo C/llaahi oo shalay xilka Gudoomiyenimo la wareegtay ayaa sheegtay in Maamulkeeda uu dhowr arimood oo  muhiim u ah Bulshada degamda Waaberi uu qaban doono.

Gudoomiye Rowdo C/llaahi ayaa sheegtay in ay Maanta ay bilaabi doonto qorsho ay ugu magacdartay Afuri deriskaaga kaas oo lagu afurinayo dadka aan awoodin afurka Soonka ee ku sugan degmadaas.
Qodobka labaad ayaa waxa ay ku sheegtay in sidoo kale ay Bulsahda degmada Waaberi ku baraarujineyso in Maalmaha ciida ee nagu soo fool leh lagu dadaalo Caruurta yar yar ee ku nool degmada in ay helaan dharkii ay uga qeyb qaadan la haayeen farxada Ciida.
Gaba gabadii  waxa ay ugu baaqday Bulsahda degmada Waaberi in ay isxilqaamaan lana Shaqeeyaan ka maamul ahaana ay garab taagan tahay.

 

Hoos Ka Dhageyso Codka Gudoomiyaha