DHAGEYSO: Guddoomiye Ku Xigeenada Gobolka Banaadir oo La Bedelay

Waxaa xilalkii laga qaaday guddoomiye ku xigeenadii hore ee gobolka banaadir, iyadoo xililkaasi loo magacaabay kuwo cusub, kadib wareegto ka soo baxday Guddoomiye Taabid Cabdi Maxamed.

Waxaa guddoomiye ku xigeenka koowaad ee arrimaha amniga iyo siyaasada loo magacaabay Saalax Sheikh Maxamed kaasi oo bedelaya Maxamed Axmed Diiriye oo horey u soo hayey xilkan.

Sidookale Guddoomiye ku xigeenka labaad ee maamulka iyo maaliyada ayaa markii ugu horeysay waxaa loo magacaabay Gabar Marwo Muluuka Dheere cabduqaadir, taasi oo bedelaysa Isamciil Macalin Cabdi Guure oo in mudo ah soo hayey xilkan.

Cabdullaahi Cilmi Erig ayaa sidookale loo magacaabay ku xigeenka seddexaad ee arrimaha bulshada, kaasi oo bedalaya Iimaan Nuur Iikar, Iyadoo gudoomiye ku xigeenka Afaraad ee howlaha guud loo magacaabay maanta Aadan Sheikh Cali Fiidow, xoghayaha maamulkana loo magacaabay Subeyda Maxamed Mukhtaar.

Halkaan hoose ka dhageyso Codka.