Dhageyso:-Goormee ayuu Xiliyada Habeenkii Shaqa bilaabayaa Garoonka Aadan-Cade ee M/Muqdisho

Ra’iisul Wasaaraha xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa xalay dhagax dhigay leerarka iftiimiya wadada ay ku ordaan Diyaaradaha ee Garoonka Aadan Cade Airport ee magaalada Muqdisho,waxuuna daaray laanbadii ugu horeysay ee laga mudo Garoonka Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa u mahad celiyey Wasiirka iyo kooxdii kala shaqaysey howsahan ay qabteen wuxuuna cadeeyey inaysan cidna taageero ka helin taasina ay tahey guul ay gaartay dowlada Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa kula dardaarmay shaqaalaha garoonka ka shaqeeya inay ilaaliyaan qalabkan maadaam uu yahey hanti Qaran, sidoo kalena waxuu usoo jeediyay madaxda garoonka inay dowlada usoo sheegaan waxyaabah ka dhiman garoonka.

Hoos Ka Dhageyso Codka