Maalmihii la soo dhaafay waxa Baraha Bulshada gaar ahaan Aalada Facebook la soo dhigayay Muuqaalo ku aadan Dhalinyaro Soomaaliyeed oo lagu dhibaateynayo dalka Libya ismarkaana uu heesto Magafaha dalkaasi libya.
Shirkii Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa waxaa qeyb ka ahaa qodobadii looga hadlay dhibaatada Muwaadiniinta Soomaaliyeed loogu geysanayo dalka Libya xiliga ay tahriibka ku sii jiraan si ay u gaaraan qaarada Yurub iyo sidoo kale Dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku xir xiran Wadamada India iyo Yaman.
Wasiir ku xigeenka Wasaarada Warfaafinta Soomaaliya C/raxmaan Iidaan Yoonis oo faah faahinayay qodobadii shalay looga hadlay shirka Golaha Wasiirada ayaa sheegay in haatan uu meel fiican marayo qaabkii Soomaaliya loogu soo wareejin lahaa dhalinyarada ku xiran dalka India.
Hoos Ka Dhageyso Codka