Al Shabaab Oo Gubay Booyad biyo u dhaamineysay Ciidamadda Dowladda

Wararka laga helaayo deegaanka cabdow dibille oo degmadda Afgooye u jira 5km ayaa sheegaya in halkaasi lagu gubay booyad biyaha u dhaamin jirtay ciidamadda dowladda eek u sugan gobolkaasi.

Booyada ayaa la sheegayaa in ay gubeen dagaalamayaal ka tirsan Al Shabaab inkastoo aysan geysanin wax qasaare nafeed.

Ciidamadda dowladda ayaa lagu waramayaa in ay wadaan baaritaano ku Aadan cidii ka dambeysay falka lagu gubay booyadda biyaha u dhaamin jirtay.

Booyadda la gubay ayaa waxaa la sheegay in cilad ay la kulantay xilli biyo ay u waday ciidamadda dowladda ee ku sugan xeradda laanta buur ee gobolka Shabeelaha Hoose.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor