(Dhacdo Murugo leh + Sawiro): Xukun lagu riday rag British oo dilay Oday Muslim oo ku sii jeeday Masjidka.

Allaha U Naxariisto Marxum Muxisn Axmed oo 81 jir ah ayaa u geeriyooday jir-dil lala xiriiriyey Cunsuriyad oo ay ku kaceen Labo nin oo u dhalatay dalka Britain.

Marxuumka ayaa waxaa falkaasi lagula kacay  bishii August 10-dii ee sannadkii hore, xilli uu ku sii jeeday Masjid ku yaalla magaalladda Rotherham.

Maxkamadda Sheffield Crown Court ayaa waxaa shalay la soo taagay Labo Gacan-ku-dhiigle oo ka dambeeyey dilka Marxuumkaasi.

Eedeysanaha Koowaad oo lagu magacaabo Dale Jones oo 30-jir ah ayaa lagu xukumay Xabsi Daa’in, kadib, markii lagu dilay inuu feer, laad iyo ku-dul socosho kula kacay Marxuumkaasi Hawlgabka ahaa.

Qoraal laga hor akhriyey Maxkamadda ayaa lagu sheegay inuu Marxuumka 11-maalmood kadib u geeriyooday waxyeelladda jugta culus ee la gaarsiiyey.

Eedeysanah Koowaad waxaa la sheegay inuu sarqaansanaa markii uu fal-dembiyeedkaasi galayey.

Dhinaca kale, Maxkamadda Sheffield Crown Court waxay xabsi 14 sanno ah ku riday Nin kale oo lagu magacaabo Damien Hunt oo 30-jir ah, kaasi oo lagu helay inuu kaalin ka qaatay Jirdilka xun ee loo geystay Marxuumka Muslimka ah.

Qoraalladda caddaynta ee loo gudbiyey Maxkamadda ayaa lagu sheegay inay dad marayey jidka dhinaciisa  oo arkay  dhaawaca Odayga u qaadeen Isbitaalka, balse, Allaha U Naxariistee waxa uu ku geeriyooday Isbitaalka  11-maalmood kadib, markii ay soo gaareen dhaawacyada.

Waxaa la sheegay inay dhaawacyo culus ka soo gaareen gacmah, Madaxa iyo guud ahaan Wejiga, oo marka Raajadda la saaray laga arkayey muuqaalka Kabaha Bootka ee  lagula dul-istaagay, taasi oo keeentay inuu madaxa ka riiqmo.

marxum Muxsin Axmed 01

Allaha U Naxariisto Marxuumka. Aamiin…Aamiin

 

SAWIRADA GACAN-KU-DHIIGLAYAASHA:

GDHIIGLE DALE JONES

Dale Jones

GDHIIGLE Damien Hunt

Damien Hunt

 

©Radio Dalsan