Deg Deg:Danjiraha Soomaaliya Ee Switzerland oo Ku Dhawaacmay Weerarka Hotelka Maka Al Mukarama

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Dalka Switzerland Yusuf Bari-Bari ayaa kamid ahaa Dadkii ku dhaawacmay Weerarkii Al Shabab Ay ku qaadeen Hotelka Maka Al Mukarama Ee Muqdisho.

Danjiraha ayaa ku sugnaa Hotelka oo weli ay ka socoto is rasaaseenta,waxana la maqlayaa Qaraxyo xoogan oo ka dhacaya Gudaha Hotelka.

Ugu Yaraan 7 qof ayaa ku dhimatay Weerarka waxana ku dhaawacmay dad kale oo intaasi ka badan.

Ciidamadda Gaashan oo ay Tababareen Mareekanka ayaa loo daadgureynayaa Xarunta Hotelka oo Weli Iska hor imaad uu ka socdo.