DEG DEG:-Ra’’iisul Wasaare Kheyre oo xilalkii ka qaaday Saddex Wasiir

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa Maanta oo Khamiis ah waxa uu xilalkii ka qaaday Saddex Wasiir oo ka mid ah Xukuumadiisa isaga oo magacaabay Saddexdii bedeli laheyd.

Wareegto kas oo baxday xafiiska Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa waxa xilalkii looga kala qaaday Wasiirkii Ganacsiga Khadro Axmed Ducaalle, Wasiirkii Arrimaha Dibada Yuusuf Garaad Cumar, Wasiirka Ariimaha Gudaha iyo dib u heshiisiinta Cabdi Faarax siciid  Juxa.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa Magacaabay Wasiiro Cusub oo xilalkaas bedelaya kuwaas oo kjala ah,

1:-Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha waxaa loo Magacaabay Maxamed Cabdi Maareeye

2:- Wasiirka Arrimaha Gudaha Federaalka  iyo Dib u heshiisiinta waxaa loo Magacaabay Cabdi Maxamed Zabriye.

3:- Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya waxaa loo Magacaabay Danjire Axmed Ciise Cawad.

Goordhow la socda Codka Magacaabista.