DEG DEG: Qarax Gaari oo Ka Dhacay Muqdisho

Waxaa goordhow qarax gaari oo xooggan uu ka dhacay meel ku dhow Isbitaalka martiini ee magaalada Muqdisho, halkaas waxaa la sheegay inuu ku qarxay gaari yar oo la sheegay inuu lahaa mid ka mid ah shaqaalaha wasaaradda waxbarshada oo lagu magacaabo Cabduqaadir Cismaan Faarax.

Wararka qaar ayaa sheegaya inuu dhaawac culus ka soo gaaray qaraxaas, oo waxyar ka hor ka dhacay Muqdisho, kaasi oo la sheegay in gaariga loogu xiray C/qaadir Cismaan faarax oo ka tirsanaa shaqaalaha wasaaradda waxbarashada xukuumada Soomaaliya.

Muqdisho maalmihii aanu soo dhaafnay waxaa ka dhacayey falal lidi ku ah amanaaka, iyadoo shalay laba qarax ay ka dhaceen magaalada, gaar ahaa degmooyinka Deyniile iyo Waabari, islamarakaana waxyeelo ay ka dhalatay.

La Soco Waxa Soo Kordho.