Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeellaha dhexe waxaa Maanta kulan ku yeeshay Xildhibaano ka tirsan Maamulka Hir-Shabeelle kuwaas oo ka shirayay sidii ay xilka uga qaadi lahaayeen Madaxweyne Cosoble.
In ka badan 70 Xildhibaan oo kulanka Goobjoog ka ahaa ayaa u qaaday codka kalsoonida,kuwaas oo qaarkood u codeeyeeyay in Madaxweyne Cali Cabdulaahi Cosoble xilka qaadis lagu sameeyo.
Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Baarlamaanka Hirshabeelle Canab Axmed Ciise ,ayaa kulanka shir gudoomineysay iyada oo Saxaafada ay banaanka ka joogtay.
76 Mudane ayaa kulanka Goobjoog ka ahaa 68 ka mid ah ayaa ogolaatay in xilka laga qaado halka 2 ay ka aamustay 6 ka mid ahna ay diideen sida ay Dalsan u xaqiijisay Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Baarlamaanka Hirshabeelle Canab Axmed Ciise.