Deg Deg; Golaha Guurtida Somaliland oo 22 Bil U Kordhiyay Xukuumada Siilaanyo

War ka soo baxay Golaha Guurtida Somaliland ayaa lagu shaaciyay in Golaha uu u Kordhiyay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo Muddo dhan 22 Bilood ka hor Doorashadda Somaliland.

Qoraalka Golaha ayaa sidan u qornaa;

Golaha Guurtidda SL , ayaa isagoo tixraacayay warqada Madaxwaynaha SL ee LrSL/M/GG/81/2-3218/04/2015 ee25/04/2015, kuna saabsanayd nuxur ahaan ka waajibaad qaadashada dibu- dhaca ku yimid doorashadii Madaxtooyada iyo Golaha Wakiiladda, kuna lifaaqnayd warqaddii koomishanka doorashooyinka qaranka, ayaa gudo galay muddo korodhsiimada .

Si Goluhu uga guto xilka kaga aadan, ayuu shir- GudoonkaGolaha Guurtidu u magacaabay guddi ka koobnayd 30 xubnood, oo kala ahaa 28 mudane, Xoghayaha Guud ee Golaha iyo lataliyaha sharciga 30/04/2015, Goluhunaansixiyay kuna ansixiyay cod loo dhana(Unanimous ) .

Guddiggu fadhigoodii ugu horeeyay oo qabsoomay3/05/2015 waxay ku dajisteen qorshe hawleedkoodii ay ku shaqayn lahaayeen , iyado qoraalo kala gaar –gaar ah loo kala gudbiyay saddexda xisbi qaran iyo koomishankadoorashooyinka , si loo dhagaysto aragtiyohooga kala duwan ee ay ka qabaan dib-udhaca doorashoyinka ku yimid iyo wakhtiga ku haboon ee ay u qabsoomi karaan si sharciga waafaqsan .

Kullankii ugu horeeyay wuxuu Guddigu ka dhagaystay si kala gaar-gaar ah labadda Xisbi ee kala ah UCID iyo WADDANI 05/05/2015.

Sidoo kale waxay Guddigu kullankooddii labaad-(2aad) la kala yeesheen xisbiga kulmiye iyo Koomishanka Doorashooyinka qaranka(KDQ) 06/05/2015.

Kullamaddaasi waxa lagu dhagaysanayay  araa’da ay qabaan iyo wixii tallooyin ah ee ay soo jeedinayeen . Dhinaca kale xubnaha Guddiggu waxay caddaymo iyo su,aalaba ku waydiiyeen Guddigga Doorashooyinka Qaranka . caddaymahaasi iyo su’aalahaasiba waxay ahaayeen qaar dhinacyo badan oo kala duwan taabanayay.

Ugu dambayntii Guddiggu waxay tallo soo- jeedin dambe ka dhagaysteen Xisbiyada Qaranka 09/05/2015, taasi oo ay ku kordhinayeen tallo soo-jeedimahoogii hore .

Guddiggu dood iyo falanqayn ka dib waxay qiimayn mugleh oo ballaadhan ku sammeeyeen xaalaadka guud iyo xaqiiqooyinka dhabta ah ee ka jira dalka.

Dhinaca kale waxay Guddiggu diirada ku saareen , lagama maarmaana u arkeen in Diwaan-galinta muwaadinka , codbixiyayaasha iyo doorashooyinkuba si xor ah , xalaal ah oo nabadgalyo ku dheehantahay uga wada qabsoomaan dhammaanba dalka , gaar ahaana Gobollada iyo Degmooyinka Bariga ,iyado la ilaalinayo midnimadda iyo isu-dhamaashaha dhul ahaaneed ee JSL .

Guddiggu waxay yaqiinsadeen inay jiraan fara-galino dibadeed oo lagu kala qaybinayo, dad ahaan iyo dhul ahaanba JSL, taasina ay ka soo horjeedo jiritaanka iyo midnimadda ummadda Somaliland , sida ku cad Qoddobka 38aad, farqadiisa 4aad, xarafkiisa (b) ee Dastuurka JSL .

Guddiggu waxay is- tuseen baahida loo qabo xoojinta amniga Gobolladda iyo Degmooyinka Bariga , iyo isla-marahaantana xal u helidda wixi tabashooyin iyo khilaafaad jira, taasi oo ubaahan wakhti lagaga bogan karo suullinta arrimahaasi , iyadoo la –isla kaashanayo Dawlad iyo shacbiba .

Waxa kale oo Guddiggu, dood iyo falanqayn dheer ka dib , garwaaqsadeen inay jiraan qabyooyin dhinaca shuruucda ah, oon la’aantood la mudayn Karin , lana qaban Karin doorashada.

Guddiggu waxay intaasi ku dareen xaalada cimmilladda ee dhinaca xeebaha iyo wakhtiga ku habboon inay doorashooyinku ka qabsoomaan .

Haddaba Golaha Guurtidu ,Markii  uu dhagaystay warbixintii Guddigga oo ay ku ladhnaayeen fikradihii,aaraadii , iyo tallooyinkii

seddexda xisbi qaran iyo komishanka doorashooyinka;

Markii uu qiimeeyey xaaladka , iyo duruufaha ka jira Gobolladda  iyo Degmooyinka Bariga iyo guud ahaan ba SL ;

Markii uu  lagama-maarmaan u arkay in ay ka suurto –galaan   Diwaan-gelinta muwaadinka iyo cod-bixiyeyaashu dhammaanba SL , si ay u suganto is- raacsananta dhul ahaaneed iyo dad ahaaneedba ee Dastuurku waajibiyay ;

Markii uu   yaqiinsaday in go’aankii ay ku cayimeen Koomishanku wakhtiga doorashadu u ahaa mid baalmarsan,waa

faqsanayna Dastuurka iyo shuruucda dalka, iyago sammeeyay muddo korodhsiimo anay awood sharciyeed u lahayn ;

Markii ay arkeen in xeerkii hore ee doorashada ee Golaha wakiiladu u ku dhaqankiisu ku ekaa doorashaddii hore oo kaliya , illaa haddana anu jirin xeer u diyar ah doorashada Golaha Wakiiladda, kaasi oo u baahan wakhti, wada-hadal, is-qancin, iyo isu-tanaasul dhinaca saami-qaybsiga oo hore moran uga taagnaa, illaa haddana u ka taagan yahay;

Markii  uu    qiimeeyay xaaladka cimmilladda ee degmooyinka Xeebaha dalka JSL iyo wakhtiga ku haboon inay doorashadu  ka qabsoonto ;

Markii uu si mugleh u qiimeeyay xaalaadka dhaqan/dhaqaale bulsho, iyo nabadgalyaba, guud ahaanba , gaar ahaana saamaynta dhaqaale ee colaadda ka oogan gacanka cadmeed ay ku yeellatay ganacsigii Somaliland ;

Iyadoo laga taxadirayo , dib- u dhac dambe oo ku yimaada Doorashooyinkan iyo mudo kordhin soo noq-noqota Iyo dhammaystir la’aan qabyooyinka taagan ;

Marku arkay Qoddobka 42aad faqradiisa seddexaad ee Dastuurka somaliland ;

Marku  arkay Qodobka 83aad faqradiisa 3aad iyo 5aad ee Dastuurka dalka Somaliland;

Isago ka duullaya , tix galiyeyna , kuna go’aan qaatay dhammaanba asbaabaha kor ku sheegan, kuna cad;

Wuxuu soo saaray Go’aamaddani: 

Muddo korodhsiimooyin.

            1-  Waxa la-laalay muddada doorasho ee ku cayiman

warqadda lambar KDQ/XK/406/2015 ee 20/04/2015, kana soo baxday xafiiska koomishanka Doorashooyinka Qaranka , madama anay

waafaqsanayn xeerka doorashada lambar 20/2001,qoddobkiisa 8aad oo u dhigan nuxur ahaan “in anay koomishanku cayimi Karin muddo/maalin doorasho oo ka baxsan dhammaadka muddo xileedka Madaxwaynaha, ku xigeenka iyo Golaha wakiiladdaba, ‘’sido kalana anay waafaqsanaynqoddobada 42aad iyo 83aad ee Dastuurka JSL .

2-  Waxa muddo xileedkii Madaxwaynaha iyo ku xigeenka madaxwaynaha  oo ku eg  27/7/2015, lagu sammeeyay korodhsiimo

ka bilaabmaysa 28/7/2015 illa 27/4/2017.

3- Golaha Wakiiladda oo dhammaadka muddo xileedkoodu ku egyahay 27/7/2015, lagu sammeeyay muddo korodhsiimo ka bilaabmaysa 28/7/2015 illa 27/4/2017.

4Muddo xileedka Golaha Guurtiddu wuxu  noqonayaa hal sano ka dib (one year after)dhammaadka muddo xileedka Golaha wakiiladda oo noqonaya 27/4/2017, sida waafaqsan ama ku cadba go’aanka lambar GW/KF-19/245/2003 ee 29/03/2003, una dhigan “in muddada xilka Golaha Guurtiddu markastaba hal sano ka dambayso taariikhda dhammaadka muddada xilka Golaha wakiiladda ” .

5- Doorashada Maddaxtooyada iyo Golaha Wakiiladdu waxay qabsoomayaan isla hal wakhti, ahna bil ka hor dhammaadka muddo xileedka loo kordhiyay , oo waafaqsan qoddobadda 42aad iyo 83aad ee Dastuurka  Somaliland .

B-    Wajibadka la kala  qabanayo, la wada qabanayo iyo hawlaha la dhammaystirayo

  • Iyadoo xukuumaddu horumuud ka ah , waa in si deg-deg ah qorshe dhammaystiran oo iskaabaya ( comprehensive and special programme ) oo qaran lagu wajaha Gobolada iyo Degmooyinka Barriga , oo laga taabo- galiyaa maamul adag iyo amni, si looga suurto- galiyo diwaangelin muwaadin , cod-bixiye iyo doorashaba .

Sidoo kalena loo sammeeyaa Barnaamij hawleed u gaar ah , oo laga wada qayb –galayo Goleyaal ahaan ,Xisbiyo Qaran ,koomishan doorasho, waxgaradka bulshada qaybahooga kala duwan iyo shacbiba .

  • Qabyooyinka dhinaca xeerarka Goleyaasha (Wakiiladda iyo Guurtiddaba) iyado xukuumaddu ku hoggaaminaysa waa in si wada jir ah oo xil-kasnimo ku jirto loo dhammaystiraa , qorshe deg-deg ahna laga yeesha . waajibaad gudasho la’aan ayay noqonaysaa haddii aan loo qalab qaadanin dhammaystirka qabyooyinka dhinaca shuruucda .
  • Golaha Guurtidda waxa ku waajib ah isagoo gacan-siinaya xukuumadda inuu ka qayb qaato iskuna diyaariyo adkaynta nabadgalyada iyo wacyi-gelinta bulshadda qaybaheeda kala duwan.
  • Golaha wakiiladda waxa ku waajib ah in uu meel-mariyo qaybna ka qaato hindise sharciyeedyada qaranku u bahan yahay si fir-fircoon

oo xilkasnimo ku jirtana u gutaan waajibaadkooda Dastuuriga ah .

  • Koomishanka Doorashooyinka Qaranka waxa waajib ku ah in ay ku tallo –galaan siddi Degmo kasta iyo Gobol kasta looga hirgalin lahaa diwaan-gelin muwaadin , codbixin iyo doorashaba.
  • Koomishanka Doorashoyinka qaranku , waa in ay ku tallaabsadaan barnaamij wax ku ool ah oo horseedaya doorashooyin xor iyo xalaal ah, qof kastaana ku dhiiban karo hal cod oo keliya, isla -marahaan –taana siiyaan muwaadiniinta isdiwaan-gelinaysa wakhti ku filan.
  • Koomishanka waxa waajib ku ah ku dhaqanka shuruucda iyo Dastuurka dalka JSL.
  • Xisbiyada qaranka waxa waajib ku ah in ay la yimadan Barnaamijyo siyaasadeed oo bulshadda ka gudbinaya caqabadaha kala duwan ee haysta ee ragaadiyay horu-markooda, kana waantoobaan wixii bulshadda iska horkeenaya ee dibu-dhaca ku keenaya.

Ugu dambayntii Goluhu wuxuu baaq u soo jeedinaya ummadda reer Somaliland Guda & Dibadda, waxayna  ka codsanayaan  kuna adkaynayaan in taabogalinta iyo meelmarinta himmilooyinka Qaranka meel looga soo wada jeesto yar iyo waynba.

Dhinaca kalana beesha caalamka waxaan u shegaynaa in qarankani iyo ummaddiisuba u baahan tahay tageeradooda ,balse teegaradoodu  anay noqon mid ka soo horjeeda maslaxada, danta, rabintaanka, doonista shacbiga iyo jiritaanka madax-bananidda JSL.

Go’aamadani waxaa lagu ansixiyayay oo ogoladay 72 iyado tirada kooramku ahayd 77 waxa diiday2  waxaa ka aamusay 0 Gudoomiyuhuna ma uu coddayn.

DHAMAAD