Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa Goordhow soo bandhigtay Wadadka Muqtaar Rooboow oo horay uga mid ahaan jiray Hoggaamiyayaasha Al-Shabaab balse ay is khilaafeen.
Maalma ka hor ayuu Muqtaar rooboow isku soo dhiibay dowladda Federaalka Soomaaliya,kadib markii uu dagaal la galay Al-Shabaab.
Shir Jaraa’id uu Goordhow qabtay ayaa waxa uu sheegay in uu isaga soo tagay Al-Shabaab,islamarkaana ay isku khilaafeen Caqiido ama Diin.
Sidoo kale waxa uu sheegay in uu uga mahad celinayo qaabkii ay u soo dhaweysay dowladda Sooamaliya ,isaga oo sheegay in uu wadahadal u socdo wax fiicana ay ka soo bixi doonaan.
Madaxda dalka iyo madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed ayaa shalay ka wada hadlay wixii laga yeeli lahaa Muqtaar Rooboow,taas oo keentay in ugu dambeyn Maanta la soo bandhigo.
Dagaalo socday mudo ka badan Saddex Maalmood ayaa waxa uu Muqtaar rooboow kula galay deegaanka Abal ee gobolka Bakool,Ciidamo ka tirsan Al-Shabaab oo ay horay isku khilaafeen.
Wixii ku soo kordha kala socda radiodalsan.com