DEG DEG:-Dil Caawa ka dhacay degmada Xamarweyne

War Goordhow soo gaaray idaacadda Dalsan ayaa waxa uu sheegayaan in laba Wiil lagu dilay Gudaha degmada Xamarweyne ee Gobolkan Banaadir.

Dilka ayaa sigaar ah uga dhacay Xaafada lagu Magacabo Koodka,lamana oga waxa ay ahaayeen labada Wiil ee la dilay iyo cidda ka dambeysa dilkooda,waxaana Goobta ka baxsaday dadkii ka dambeeyay dilkaas.

Ciidamo farabadan oo ka tirsan Ciidamada Booliska degmada Xamarweyne ayaa haatan wada howlgallo dhalinyaro farabadan lagu qabqabtay.

Goordhow la socda Maamulka degmada Xamarweyne oo faah faahinaya dilkaas.