Dagaalamayaal Alshabaab oo la dilay iyo Saraakiil Kenyaan oo lagu dhaawacay iska horimaad ka dhacay duleedka Laamu

Afhayeenka Ciiddanka Kenya, David Obonyo ayaa faahfaahin ka bixiyey iska horimaad Milliteriga Kenya iyo Dagaalamayaasha Alshabaab ku dhex maray Deegaanka Basuba ee duleedka Degmadda Lamu.

Waxa uu sheegay in Shan Sarkaal ku dhaawacmeen qarax miino oo ay Alshabaab la beegsadeen gaari ay Ciiddanka Kenya lahaayeen oo marayey meel 7KM u jirta Deegaanka Basuba.

Labo ka mid ah Saraakiishaasi ayaa laga dayrinayaa xaalladooda, waxaana lagu daaweynayaa Isbitaalka u gaarka Ciiddamadda oo ku yaalla caasimaadda dalkaasi ee Nairobi.

Afhayeenka waxa kaloo uu sheegay inay 3 dagaalyahan oo ka tirsan Alshabaab ku dileen iska horimaadka  ka dhacay Deegaankaasi.

Waxa uu intaasi ku daray inay jiraan Dagaalyahanno kale oo baxsaday iyagoo dhaawacan, waa sida uu hadalka u yiri.

Afhayeenka Ciiddanka Kenya, David Obonyo waxa kaloo uu tilmaamay inay gacanta ku dhigeen 2 qori nooca AK 47 iyo 17 xabbadood.

Dagaalamayaasha Alshabaab ayaa la sheegay inay  Hoobiyayaal u adeegsadeen dagaalka ay la galeen Milliteriga Kenya,  kuna dhaawacmeen Saraakiil Kenyaan ah.

Iska horimaadkaasi ayaa ahaa kii ugu horreeyey oo ay Dagaalamayaaha Alshabaab ka fuliyaan gudaha Kenya, tan iyo bishii la soo dhaafay ee June 14-dii, oo ay Dagaalamayaasha Jeysh Ayman ee ka tirsan Xarakadda Alshabaab weerareen Xerada Ciiddanka Kenya ku leeyihiin Deegaanka Baure ee duleedka Laamu, laguna dilay Askar Kenyaan ah iyo Dagaalyahanno.

 © Radio Dalsan