Dagaal ka dhacay degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan

Faah afahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya daagal saacadihii la soo dhaafay laba maleeshiyo Beeleed ku dhex maray tuulooyin hoostaga degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan.

Dagaalka ayaa bilaawday gelinkii dambe ee shalay kaas oo leysla soo gaaray ilaa Salaadii maqrib,waxana la soo sheegayaa in uu ka dhashay dagaalkaas khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Ilaa iyo hada macada waxa sababay dagaalkaas balse xogta ay Dalsan heleyso ayaa waxa ay shegeeysaa in ay isku heestaan dhul daaqsin ah oo ku yaalla deegaanadii lagu dagaalamay ee hoostagta degmada Matabaan.

Dagaalkaan ayaa si gaar ah u dhexeeya laba Beelood oo ka soo kala jeeda Gobolada Hiiraan iyo Galgaduud,waxaana haatan lagu soo waramayaa in xaaladu ay tahay mid degan.

Dhanka kale xiriir aan la sameynay masuuliyin ka tirsan Maamulka Gobolka Hiiraan ayaanan noo suurtagelin si aan wax uga weeydiino,waxana xusid mudan in dagaaladaan dhowr mar ay horay u soo laab laabteen.