Dad Shacab ah oo dil iyo dhaawac loogu geystay gobolka Hiiraan

Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ayaa waxa ay sheegayaan in xalay qeybo ka mid ah gobolkaasi dil iyo dhaawac loogu geystay dad Shacab ah.

Falkaan ayaa ka dhacay tuulada Gafiir oo hoostaga degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan,waxaana la sheegay in la dilay ilaa 2 ruux halka Saddex kalena la dhaawacay.

Ilaa iyo hadda lama oga cida ka dambeysa dilka iyo dhaawaca dadkaas iyo sababta falkaas loogu geystay.

Qaar kamid ah Shacabka iyo waxgaradka deegaanka ayaa ku baxay goobta dhacdadaasi ka dhacday,waxaana loo  qaaday isbitaalka guud ee magaalada Baladweyne si loo dabiibo dadkii halkaasi lagu dhaawacay.

Deegaanka falkaas uu ka dhacay oo ah Dhul Miyi ah,ayaa waxaa cabsi soo wajahday qaar ka mid ah dadka deegaanka oo sheegaya in aysan ogeyn sababta dadkaas loo dilay kuwo kalena loo dhaawacay.