Ciiddanka Somalia oo Kaalinta ugu hooseysa ka galay Awoodda Milliteri ee Caalamka.

Iyadoo ay Ciiddanka XDS mar loogu yeeri jirey Libaaxyadda Afrikadda, kana mid ahaayeen Ciiddamadda ugu Tayadda fiican Qaaradda Afrika ayaa waxay Kaalintii ay kaga jireen Caalamka lumiyeen,  kadib, markii uu burburay Maamulkii Dowladnimo ee Somalia.

Xarumihii Ciiddamadda, Qalabkooda iyo Kaydadkii noocyadda hubka ayaa waxaa lagu bililiqeystay markii ay Dagaalladda Sokeeye ka qarxeen Somalia sannadkii 1991-kii.

25-sanno kadib, waxaa haatan Dib loo dhisayaa Awooddii Ciiddanka, iyadoo Kumanaan Askari la tababaray si ay u hantaan Kaalinta Ciiddanka Qalabka Sida, inkastoo aysan haysanin Hub iyo Qalab Milliteri oo casri ah, sababo la xiriira Cunaqbataynta QM ee Hubka.

Hay’adda Caalamiga ee la socodka Awoodaha Milliteriga ee Calaamka ee Global Fire Power  (GFP) ayaa soo saartay Qiimeynta Awoodaha Milliteriga ee 126 Waddan oo ka mid ah Dalalka Caalamka.

Dalkeenna Somalia waxa uu Kala-horreyntaasi Caalamka kaga jiraa Kaalinta 125-aad,  waxaana ka hooseeya Dalka Afrikada Dhexe (The Central African Republic) oo keliya.

Qiimeynta 30-ka waddan ee Afrikaanka ee ugu awoodda badan Milliteriga, waxaa kaalinta Kowaad gashay Masar, halka ay Ciiddankeenna Somalia ka galeen Kaalinta 30-aad.

Haddaynu eegno Waddamadda deriska nala ah Milliteriga dalka Ethiopia waxay Liiska Ciiddamadda Caalamka kaga jiraan Kaalinta   42-aad, sidoo kale Milliteriga Kenya waxay ku jiraan Kaalinta  75-aad.

Dhinaca kale, Liiska Milliteriga ugu tayada Wanaagsan Caalamka oo dhan waxaa figta Sare kaga jira dalalka Maraykanka, Raashiya, Shiinaha, Hindiya, Faransiiska, UK, Japan, Turkiga, Jarmalka iyo Talyaaniga.

 

XDS 1

komaandoos

Xigasho: globalfirepower

©Radio Dalsan