Ciiddan Uganda oo loo tababaray Hawlgalladda Miino-baarista oo loo soo dirayo Somalia.

Saraakiil ka tirsan Mariniska Maraykanka ayaa soo gebagebeeyey Tababar socday muddo 2 bilood ah oo ay siinayeen Ciiddamo ka tirsan kuwa dalka Uganda ee UPDF.

Tababarkaasi waxaa dhawaan lagu soo gebagebeeyey Xeradda Tababarka Ciiddanka ee Singo oo ku taalla Uganda, waxaana Ciiddankaasi la baray  8 Xirfado Milliteri oo kala duwan, oo ay ugu muhiinsan tahay Miino-baarista iyo Isticmaalka Gaadiidka Milliteri ee dul-mari kara goobaha ay ku aasan yihiin waxyaabaha qarxa ee loo yaqaano IED.

Ciiddanka la tababaray ayaa la sheegay inay ku soo biiri doonaan Hawlgalka AMISOM, si ay uga taageeraan Ka-hortaga Khataraha Miinooyinka oo ay inta badan waxyeello  ka soo gaaraan Gaadiidka iyo Ciiddanka AMISOM.

Gaashaanle Titus Ekain oo ka mid ah Sraakiisha iyo Askarta ka qeyb galay Tababarkaasi ayaa sheegay inay inuu Tababarkaasi kaalin ka qaatay Dhismaha Aqooneed ee Ciiddanka Uganda ee  loo diyaarinayo inay ku biiraan Hawlgalka AMISOM.

Waxa uu intaasi ku daray inuu tababarkooda ka taageeri doono sidii ay uga war heli lahaayeen Qaraxyadda ay Xarakadda Alshabaab la beegsadaan Gaadiidka AMISOM.

Waxa uu tilmaamay in Gawaarida Gaashaaman ee dul-mara meelaha lagu aaso miinooyinka ay bixinayaa digniin hore oo ku aadan Waddada lagu aasay Miinooyinka.

“Alshabaab waxay inta badan isticmaalaan Miinooyinka, balse haatan waan baranay qaabka looga hortegi karo, si loo badbaadiyo nolosha ciiddanka AMISOM” ayuu hadalkiisa ku soo gebegebeeyey Gaashaanle Titus Ekain oo ka tirsan Ciiddanka Uganda.

©Radio Dalsan