Ciidamada Dowladda & Maleeshiyaad deegaanka Jaziira ah oo dagaalamay

Khasaaro dhimasho ah ayaa ka dhashay  kadib markii Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maleeshiyaad ay ku wada dagaalameen deegaanka Jaziira ee duleedka Magaalada Muqdisho.

Int la xaqiijiyay dagaalkaas oo mudo kooban socday ayaa waxaa ku dhaawacmay ila 5 Ruux oo labada dhinac ah mana jirin wax dhimasho ah,waxana la sheegay in markii dambe uu si iskiis ah isaga istaagay.

Dadka deegaanka Jaziira ayaa waxa ay Dalsan u sheegeen in dagaalkaan uu yimid kaidb markii Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ay dhac u geysteen dad Shacab ahaa taas oo dadka deegaanka ay u adkeysan waayeen.

Weli wax War ah kama soo bixin Maamulka deegaanka Jaziira iyo waliba dhinacyadii dagaalamay balse waxaan xiriir la sameynay maamulkaa deegaankaas oo noomana suurtagelin.