Caalin: Doorashada sanadkan kama duwanaan doonto 2012-kii

Diplamaasiga Maxamed Maxamuud Nuur oo Caalin oo wareysi gaar ah siiyay idaacada Dalsan ee Magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay arimo muhiim ah oo ay kamid yihiin marxaladaha siyaasadeed ee xilligan Dalka marayo,Dhaqaalaha ,arimaha ciidamada ,iyo xiriirka ka dhaxeeyay Dawlada dhexe iyo maamul goboleedyada Wadanka ka jira.

Siyaasiga ayaa sigaar ah farta ugu fiiqay waqtiga kooban ee ka harsan muda xilleedka Dawlada Xasan Shiikh iyo habacsanaanta  willi ka jirto jaangooyn la,aanta nidaamka doorasho ee Dalaka wuxuuna saadaalin xumo siyaasadeed ka bixiyay in doorashadan ay u dhici doonto sidii loo balamay ,balse wuxuu xeel dheerahan tilmaamay in nidaamka lagu dhisi doono Dawlada cusub ay lamid noqon doonto tii 2012-kii ee lagu soo dhisay Dawlada hada jirta ee waqtigeedu gawaabsiga yahay.

Wariye Cabdi Waxiid Cabdullahi Daahir ayuu qadka Telfoonka ugu waramay Doplomaasigan oo jooga Wadanka Filand.

Halkan ka Dhageyso:-