Britain iyo Kenya oo cusboonsiiyey iskaashigooda Milliteri, xilli ay Kenya u caal la’dahay weeraradda Alshabaab

Ergayga Sare ee Dowladda Britan uga wakiilka ah dalka Kenya, Christian Tunner ayaa sheegay inay Ciiddanka Britain tababaro ku samayn doonaan gudaha dalka Kenya, isla markaana la cusbooneysiiyey Heshiiskii Milliteriga ee labada dal.

Waxa uu tilmaamay in Isfaham laga gaaray Cusbooneysiinta Heshiiskaasi, iyadoo muddo lix bilood lagu kordhiyey Tababaradaasi, kaasi oo waqtigiisa  ku ekaa bishii hore ee April 21-dii.

Dowladda Kenya ayaa la sheegay inay dani ugu jirto Cusbooneysiinta Heshiiskaasi, maadaama ay ka walaacsan yihiin Digniinaha dhinaca Socdaalka oo ay Britain ku sheegtay inaan lagu tegi karin Kenya.

Dhinaca kale, Ergayga Sare ee Dowladda Britan uga wakiilka ah dalka Kenya, Christian Tunner ayaa sheegay haddii ay Milliteriga Britishka fal-dembiyeed ku galaan gudaha Kenya in lala tiigsan doono Sharuucda u degsan labada dal.

Dowladda Kenya ayaa horey u diiday in la cusbooneysiiyo Heshiiskaasi, kadib, markii ay ku eedeeyeen inay Askarta Britishka haystaan Xasaanad Diplomaasiyadeed, lana maxkamadeyn karin haddii ay ku xad-gudbaan dadka Kenyaatiga.

Si kastaba ha ahaatee, Heshiiska cusub waxa uu oggolaanayaa in ku-dhawaad 10,000 Askar British ah carbis Milliteri ku qaadan karaan gudaha Kenya, xilli ay Hay’addaha Ammaanka ee Kenya u tag la’ yihiin weeraradda ay Dagaalamayaasha Alshabaab ka fuliyaan dalkaasi