Barlamaanka Masar oo ansixiyey Xukunka Degdegga ee lagu soo rogay dalkaasi.

Ra’isul-wasaare Shariif Ismaaciil ayaa u sheegay Xildhibaanadda ka hor intaysan u codeynin Mooshinkaasi in loo baahan yahay in Tallaabo adag laga qaado Kooxha Argagixisadda ee khatarta ku ah Deganaanshaha iyo Nolosha Muwaadiniinta Masarida.

Madaxweyne C/fataax Al-sisi ayaa horey ugu dhawaaqay inuu dalkaasi ku soo rogay Xukun Degdeg ah muddo 3 bilood ah, kadib, markii in ka badan 40-qof lagu dilay weeraro Is-qarxin oo lagu qaaday Labo Kaniisad oo ku kala yaalla magaalladd Aleskandariya iyo Tanta.

 

©Radio Dalsan