Askari ka tirsan Ciidamada dowladda oo Qof Shacab ah Caawa ku dilay Baladweyne

Wararka naga soo gaaraya Caawa Magaalada Baladweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan ayaa waxa ay sheegayaan in Caawa qof Shacab ah lagu dilay gudaha Magaalada Baladweyne.

Dilka ayaa waxa geystay Askari ka tirsan ciidamada Milateriga Soomaaliya sida uu Dalsan u xaqiijiyay taliyaha howlgelinta Ciidanka Booliiska Baladweyne Carab Yuusuf Nuur.

Waxaa uu sheegay taliyuhu in  Askariga xili uu marayay Agagaarka Gaalshiraha oo ku yaalla Xaafada Buundaweyn uu istaajiyay qofka Shacabka ah kadib markii uu ka shakiyay balse qofkii uu cararay sidaasna askariga uu rasaas ugu furay dhaawac soo gaarayna uu Isbitaalka ugu geeriyooday.

Taliye Carab ayaa sidoo kale sheegay in ay Ciidamadu qabteen Askarigii ka tirsanaa Ciidamada Milateriga ee Xaafada Buundaweyne Magaalad Baladweyne qofka Shacabka ahaa ku dilay.

Dilalka ay geystaan Ciidamada ka tirsan dowladda ayaa inta badan ka dhaca Gobolada dalka iyo waliba Muqdisho,waxaana inta badan lagu guuleystaa in la qabto ciidamadaas.