Alshabaab oo la sheegay inaysan wax saldhig ku lahayn Xerooyinka Qaxootiga Soomaalida ee W/bari Kenya.

Ben Rawlance oo ahaa Cilmi-baare u shaqeyn jirey Hay’adda Xuquuqda Aadanaha ee HRW  ayaa dhawaan soo saaray Buug Cusub oo uu kaga hadlay Xeradda Qaxootiga Soomaalida ku nool Kenya.

Qoraaga oo u dhashay dalka Britain waxa uu sheegay inaysan Alshabaab saldhig ku lahayn Xerooyinkaasi, balse ay qaab ka-sii-gudbid  “Transit” oo kale u sii maraan Xerooyinkaasi, wuxuuna beeniyey inay Alshabaab weeraradooda laga qorsheeyey Xerooyinka.

“Alshabaab ma awoodaan inay Saldhig ka samaystaan gudaha Xerooyinka ku yaalla W/bari Kenya, waayo dadka Deggan dhamaantooda waa is-yaqaanaan” ayuu yiri

Ben Rawlence, oo intaasi ku daray inay Xeradda si fudud loo ilaalayn karo.

Qoraagga oo muddo 7 bilood ku noolaa Xerada Dhadhaab waxa uu tilmaamay inay Alshabaab awood yar ku leeyihiin Xeradda Dhadhaab, waa sida uu hadalka u dhigay, wuxuuna sheegay inay dadka Qaxootiga yihiin dad Muruq-maal ah.

Qoraaga waxa uu tilmaamay inay Dhadhaab ku yaallaan Isbitaalo, Dugsiyo, Hoteelo, Naadiyo K/cagta, wuxuuna dhinaca xun ka sheegay in Xeradda lagu gado Alkoolka, Daroogada, rasaasta iyo inay jiraan Isku-galmood..

Waxa uu xusay inay jiraan Qaxooti Milyoneero ah oo nolosha Qaxootiga ku barbar wada Ganacsi, wuxuuna ka digay inay Qaxootiga Soomaalida noqon karaan sida Qaxootiga Falastiiniyiinta oo muddo 60 sanno ah ku nool Xerooyin Qaxooti.

Waxa uu saadaaliyey inay Xeradda Qaxootiga Dhadhaab la mid noqon doonto magaalladda Qasa ee Falastiin.

Dhinaca kale, waxa uu tilmaamay in Qaxootiga Soomaalida ku nool Xeryahaasi  yihiin kuwo uu hayo Buufiska “psychological depression”, isla markaana ay ka fekerayaan inay  helaan  dib-u-dejin Waddamadda horey u maray.

Waxa uu intaasi ku daray inay 1,000 Qaxooti Soomaali ah sannadkiiba ka helaan Dib-u-dejin Europe ama Waqooyiga America.

Dadka deggan Dhadhaab waxay Mukhalasiinta kula heshiiyaan lacag dhan 10,000 oo Dollar si loogu  tahriibiyo Europe, halka Safarka Isxambaarka ee ilaa Waqooyiga America oo la sii marayo dalka Koonfur Afrika, Brazil iyo Meksiko ku kacayso lacag dhan ku-dhawaad 25,000 oo Dollar.

Si kastaba ha ahaatee, Qoraagga Buugga, Ben Rawlence waxa Cilmi-baarista nolosha Xeradda Dhadhaab ku qaadatay muddo labo sanno ah, waxa uu wareystay in ka badan 50 qof oo deggan Xeradda Dhadhaab, wuxuuna Buugiisa ku soo qaatay Khibrtaddaha 9 qof oo Soomaali ah oo ku nool Xerooyinka Qaxootiga ee W/bari Kenya.

Waxaa xusuus mudan inay Horjoogayaasha QM ee Xerooyinka u oggolaanin Qoraagaasi inuu wax ka badan 2 saacadood joogo Dhadhaab.

©Radio Dalsan