Alshabaab oo la sheegay inay Mombasa ku dileen Sarkaal ka tirsanaa Sirdoonka Kenya

Taliyaha Ammaanka ee Gobalka Xeebta ee dalka Kenya, Robert Kitur ayaa sheegay inay boliska soo bandhigeen sawirka nin lagu tuhunsan yahay inuu ka dambeeyey dilkii Sarkaal ka tirsanaa Sirdonka Kenya oo lagu magacaabi jirey Hashim omar, kaasi oo la dilay habeenkii Khamiista ee la soo dhaafay.

Robert Kitur waxa uu ninka dilka geystay magacuusa ku sheegay Ismail Shosi oo uu tilmaamay inuu ka tirsan yahay Xarakadda Alshabaab Somalia, isla markaana uu ku lug lahaa weeraro lala beegsaday Sraakiisha Ammaanka iyo dadka wararka u gudbiya Boliska.

Sarkaalka la dilay ayaa la sheegay in la toogtay xilli uu ka soo baxayey Masjidka Xaniifa oo  ku yaalla qeybta gaboowday  ee magaalladda Mombasa.

Sarkaalkaasi la idlay oo ka hawlgeli jirey Nairobi ayaa la sheegay inuu saddex maalin ka hor tegay Mombasa, isla markaana la tuhunsan yahay in ninka dilka geystay uu muddo ku daba joogay.

Dhinaca kale, Taliyaha Ammaanka ee Gobalka Xeebta ee dalka Kenya, Robert Kitur waxa uu ballanqaaday qofkii keena war horseeda in la soo qabto ninka dilka geystay in la siin doono abaalmarin.

© Radio Dalsan