Al-Shabaab oo sheegtay Masuuliyada dilka Madaxeey Aadam Xasan

Kooxo hubeysan ayaa Magaalada Muqdisho waxa ay ku dileen Nin Magaciisa lagu sheegay Madaxeey Aadam Xasan xili uu ku sugnaa qeybo kamid ah Xaafada Saybiyaano ee degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

Qof kmid ah dadka deegaanka oo la hadlay Idaacadda Dalsan ayaa sheegay in Kooxdii dilk geysatay ay Goobta isaga baxsadeen,iyadoona markii dambe ay meydka goobta ka qaadeen Ehelada Marxuum Madaxeey Aadam Xasan.

Ciidamo ka tirsan dowladda Somaaliya ayaa Goobta uu dilka ka dhacay gaaray kuwaas oo sameeyay baaritaano dheeraad ah walow ay cidna u soo qaban dilkaas.

Al-Shabaab ayaa Barta ay internatka ku leeyihiin waxa ay ku soo qoreen in Madaxeey uu kamid ahaa Ergadii Xildhibaanda Baarlamanka Soomaaliya lu soo doortay Magaalda Kismaayo.

Sikstaba dilka Ninkaan ayaa ku soo aadaya xili shalay deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho lagu dilay Nin ku labisnaa Dareeska Ciidanka Xoogga dalka Somaaliya walow Al-Shabaab ay sheegeen in uu ka tirsanaa ciidamada dowladda.