Wararka aan ka heleyno Magaalada Jowhar ee Xarunta Maamulka Hir-Shabeelle ayaa waxa ay sheegayaan in Askari ka tirsan Ciidamada Dowladda uu qof Shacab ah ku dilay.
Qof ka mid ah dadka deegaanka oo diiday in Magaciisa iyo codkiisa loo adeegsado qalabka warbaahinta ayaa dilka qofka Shacabka Dalsan u xaqiiyay.
“Qofka la dilay waxa uu waday Gaari Caaasi ah,waxaana la dilay markii uu Magaalada soo geliyay askariga ayaa weeydiiyay darawalka gaariga lacag balse waa uu diiday askarigiina Meesha ayuu ku toogtay wuuna cararay ayuu yiri goobjoogaha”
Goobta ayaa waxaa laga qaaday meydka darawalka,waxaana lagu guuleysan in la qabto Askarigii ka dambeeyay dilka qofka Shacabka ah.