Xiisad dagaal oo u dhaxeysa Ciidamo taabacsan Maamulka Gobolada Dhexe ee Ahlusuna Waljamaaca iyo maleeshiyaad deegaanka ah ayaa saakay markale ka taagan deegaanka Xeraale ee Gobolka Galgaduud.
Shalay ayaa waxaa dhacay dagaal leysku qorax dhacsaday,waxaana lagu soo waramayaa in weli ay xiisadaas taagan tahay islamarkaana ay Ciidamadu ishorfadhiyaan lana filan karo in ay wada dagaalamaan saida ay sheegeen dadka deegaanka qaarkood.
Wararkii ugu dambeeyey ee nasoo gaaraya ayaa waxa ay sheegayaan in dadka deegaanka Xeraale qaarkood ay barakacayaan iyaga oo ka cabsiqaba in ay wada dagaalamaan maadaama ciidamadu ay weli ku sugan yihiin Goobihii ay ku wada dagaalameen.
Qaar ka mid ah Waxgaradka gobolka Galgaduud ayaa dhankooda haatan waxa ay wadaan dadaalo ay ku doonayaan in ay xiisadas ku qaboojiyaan