Axmed Ducaale Geelle Xaaf Madaxweynaha Maamulka Galmudug balse xildhibaano ka tirsan Galmudug ay sheegeen in ay xilkii ka qaadeen ayaa Magacaabay gudoomiyaha Cusub ee Gobolka Galgaduud.
Wareegto ka soo baxday Xafiiska Xaaf ayaa waxaa gudoomiye loogu Magacaabay Nuur Axmed Xasan oo loo yaqaano (Nuur Dheere)
Gudoomiyahaan Cusub ayaa bedeli doona Gudoomiyihii hore ee Gobolka Galgaduud Xasan Sheekh Cali Cilmi oo 4 Bishii Agoosto ee Sanadkaan lagu dilay Magaalada Muqdisho.
Hoos Ka Akhriso Wareegtada Magacaabista