Xubnaha Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in Magaalada Muqdisho ay Maanta ku yeeshaan kulankoodii Caadiga ahaa,iyada oo ay horyaalaan Ajandayaal dhowr ah.
Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Maanta kulankooda waxa ay uga doodi doonaan Miisaaniyadda dowladda ee Sanada 2017,kadib markii uu dhawaan horgeeyay Baarlamaanka Soomaaliya Wasiirka Maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaale Beyle.
Guddiyada joogtada ah ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo wasaarada Maaliyadda ayaa maalmahaan siwadajir ah waxa ay ugu howlanaayeen turxaan bixinta Miisaaniyadda oo Xildhibaanada qaarkood ay aragti ka keeneen.
Sikastaba guddoonka Sare ee Baarlamanka Soomaaliya ayaa dhawaan fasaxay miisaaniyadda Ciidamada inta ay socoto dooda,maadaama mushaaraadka ay Ciidamada uu yahay mid muhiim ah.