Kooxo hubeysan ayaa Caawa Xaafadda Howlwadaag ee Magaalada Baladweyne Ku dishay Askari ka tirsan Ciidamada Nabad-Sugida iyo Sirdoonka Soomaaliya.
Mid ka mid ah dadka ku nool Magaalada Baladweyne oo la hadlay Idaacadda Dalsan ee Muqdisho ayaa sheegay in Ragii dilay Askarigaas ay Goobta ka baxsadeen islamarkaana ay ka qaateen dilka kadib Qorigii uu watay.
Saraakiil ka tirsan Ciidamada Nabad Sugida Magaalada Baladweyne ayaa iyana waxa ay sheegeen in ay iminka ku raadjoogaan dadkii ka dambeeyay dilka Askariga ka tirsan Ciidamada Nabad-Sugida Soomaaliya ee caawa lagu dilay Baladweyne.
Wararkii ugu dambeeyay ee nasoo gaaraya Caawa ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidamada dowladda iyo kuwa Hir-Shabeelle ay howlgallo baaritaano ah ka wadaan Xaafada howlwadaag walow aan weli la shaacin cid ay u soo qabteen dilkaas.