Akhriso: 20 Bisha Juun oo Beri ku beegan Maxaa Caalamka laga Xusaa?

Maalinta Berito ah oo ay Taariikhdu ku beegan tahay 20 bisha Juun Waa maalin loo asteeyay Maalinta Qaxootiga Caalamka waxaana inta badan laga xusaa Soomaaliya iyo waliba qaar ka mid ah Wadaamda Caalamka.

Munaasabado lagu xusayo Maalinta Qaxootiga Caalamka ayaa la filayaa in Maalinta Berito ah ay ka dhacaan Magaalada muqdisho iyo waliba Xarumaha maamul goboledyada dalka ka jira,waxana ka qeybgeli doona madaxda dowlada Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Maamul goboleedyada.

Dalka Soomaaliya ayaa waxa uu ka mid yahay Wadamada farakutiriska ah ee dadkooda ay yihiin kuwo Qaxooti ku ah daafaha Caalamka,waxana jira dhlinyaro Soomaaliyeed oo ku dhibaateysan Wadamada qaar kadib markii dalkeena ay ka tahriibeen.

Halakaan kala socda Munaasabadaha Maalinta Berito ah ka dhici doona Magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka Soomaaliya.