War-murtiyeedkii Kulankii Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’isul-wasaaraha Ethiopia

Madaxweyne Farmaajo iyo RW Ethiopia, Haile Mariam Desalegn ayaa xalay kulan ku yeeshay Addis Abeba, oo ay kaga hadleen Xiriirka Labada Dal iyo Dardar-gelinta Iskaashiga Hawlgalka Alshabaab.

Labada Hoggaamiye waxay yeesheen Kulan miro-dhal noqday, waxayna isku aragti ka noqdeen arrimihii ay ka wada hadleen.

Qoddobadda War-murtiyeedka waxaa lagu sheegay:-

  • in Booqashadda Madaxweyne Farmaajo tahay mid lagu xoojinayo Xiriirka Labada Dowladood ee Somalia iyo Ethiopia.
  • Inuu labada dal in si xor ah dhaqdhaqaaq ganacsi uu dhex maro.
  • Dowlada Ethiopia oo soo dhoweysay qorshaha dowlada Soomaaliya ee lagu xoojinayo amniga iyo sii xoojinta dagaalada ururka Al-Shabaab.
  • labada dal oo isku aragti ka noqday sidii loo xoojin lahaa dhismaha ciidamada Soomaaliya loona diyaariyo in ammaanka dalka kala wareegaan AMISOM.
  • In ciidamada Booliska la xoojiyo isla markaana la kordhiyo la dagalaanka burcad badeeda ka soo cusboonaatay xeebaha Soomaaliya.
  • Iskaashi laga yeesho sidii abaaraha loogaga hortagi lahaa.
  • In shirka London uu noqdo mid ay Soomalidu leedahay iyo qodobo kale.

 Dhinaca kale, Madaxweyne Farmaajo iyo RW Ethiopia, Haile Mariam Desalegn waxau si wadajir ah u qabteen Shir Jaraa’id oo ay kaga hadleen natiijadda Kulankooda iyo sida ay Labada Dowladood uga go’an tahay Xoojinta Xiriirka labada dal iyo in laga shaqeeyo Ammaanka Labada Waddan.

©Radio Dalsan

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media