Madaxa Dowladda Federalka iyo kuwa Maamul-gobaleedyadda oo maalmihii la soo dhaafay ku kala aragti duwanaa Qaabka Doorashadda iyo Dowladda Cusub ee sannadka cusub ee 2016-ka ayaa waxay galabta yeesheen Kulankoodii ugu dambeeyey ee ay kaga wada tashanayeen Geeddi-socodka Somalia ee sannadka soo socda.
Kulankooda oo dhowr saacadood dib u dhacay galabta ayaa waxa uu weli ka socdaa Garoonka Diyaaradaha Muqdisho.
Madaxda Dowladda Federalka iyo kuwa Maamul-gobaleedyadda waxay kulankooda ka soo saareen War-murtiyeed ka kooban 7 qoddob oo ay ugu muhiimsan yihiin:-
- In la sameeyo Aqalka Hoose iyo Aqalka Sare, kuwaasi oo ka qeyb noqonaya Hanaanka Doorashadda Somalia ee Sanadka 2016.
- In Bisha soo socoto ee Janaayo 10-da la isugu yimaado Shir ka dhacayo magaalladda Kismaayo, oo lagu shaacin doono Hanaanka kama dambeysta ee Doorashada 2016-ka.
- In aysan jiri doonin Xilli-kororsi markii uu dhamaado Waqtiga Hay’addaha Dowladda ee haatan jira.
- In Doorashada Labada Aqal lagu saleeyo isku dheelitirka Qaabka Qabiilka ee 4.5 iyo Qaabka Deegaanka.
Dhinaca kale, Mas’uuliyiinta ayaa lagu wadaa inay goor dhow Saxaafadda u soo gudbiyaan War-murtiyeedkooda oo dhamaystiran, leh Saxiixa Madaxdii ku heshiisay Shirkaasi.
Waxaan idiin soo gudbin doonaa isla marka la shaaciyo War-murtiyeedka oo dhamaystiran, lana wada saxiixay Insha Allaahu.
© Radio Dalsan