Inta la xaqiijiyay ilaa 52 ruux ayaa waxyeelo ka soo gaartay qarax loo adeegsaday Gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qaraxa oo ka dhacay Magaalada Kapul ee Xarunta dalka Afghanistaan.
Qaraxa ayaa ka dhacay Irida hore ee Madxtooyada dowladda Afghanistaan,waxana lagu soo waramayaa in ay sidoo kale ku dhinteen qaraxaas ilaa 11 ruux oo badan kood ah Dad Shacab ah.
Qaraxa ayaa waxa uu kusoo beegmayaa xili Shaqaalaha iyo dadka shacabka ah ay u kala hayaamayeen Shaqooyinkooda caadiga ah.
Goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa waxaa goordhow gaaray ciidamo farabadan oo ka tirsan kuwa dowladda Afghanistaan,kuwaas oo dadka u diidaya in ay Goobta ka agdhawaadaan si aysan waxyeelo usoo gaarin.
Wixii ku soo kordha kala socda radiodalsan.com