War goordhow soo gaaray Warqabadka Radio Dalsan ayaa waxa uu sheegaya in Goordhow Garoonka Diyaaradaha ay ku bur burtay Diyaarad ay leeyihiin Ciidamada Midowga Afrika ee Amisom ee Nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya.
Diyaaradaan ayaa waxaa laheyd Shirkada Bancroft ee qaabilsan la talinta howlaha amniga iyo tababarka ciidamada  AMISOM,waxaana la sheegay in ay lugaha u bixi waayeen islamarkaana dhowr jeer ay Garoonka Dushiisa ku soo laab laabatay.
Diyaarada ayaa xogta aan heleyno waxa ay sheegeysaa in ay saarnaayeen Saraakiil Ajnabi ah welina lama shaacin khasaaraha ka dhashay burburka Diyaarada.
Waxaa gebi ahaanba la hakiyay howlihii duulimaad ee garoonka diyaaradaha Muqdisho, iyadoo diyaarado saaka duuli lahaa la joojiyay.
Gawaarida Dam demiska ayaa haatan ku dhexjira Gudaha Garoonka iyagoo ku dadaalaya sidii ay u demin lahaayeen diyaarada.
Wixii ku soo kordha kala socda radiodalsan.com