Waqtiga uu furmi doono kala fadhiga 3-aad ee Baarlamaanka Labada Aqal oo la shaaciyay

Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliyeed ayaa shaaciyay in 10-ka Bishaan uu si rasmi ah u furmi doono kalfadhiga Saddexaad ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Sooomaaliya oo ka kooban Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka.

Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka C/kariin Xaaji Cabdi Buux oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in 10-xubnood oo ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka loo xilsaaray diyaarinta munaasabadda furitaanka fadhiga Baarlamaanka oo dhici doonta 10-ka Bishaan.

Guddigaan ka kooban 10-ka xubnood oo uu Guddoomiye u yahay Senator C/risaaq Cusmaan Xasan Jurile iyo ku-xeenkiisa Xildhibaan Khaalid Macow ayaa waxay diyaarinayaan munaasabada furitaanka fadhiga Baarlamaanka oo dhici doonta 10-ka bishan.

Waxyaabaha ugu waawayn ee haatan horyaala Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa ka mid ah, Arrimaha doorashooyinka, Dib u eegista Dastuurka dalka, Sharciga Jinsiyadda dalka iyo arrimo kale.

Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa sida sharciga ah si rasmi ah u furi doona kalfadhiga Saddexaad ee Baarlamaanka Soomaaliya.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media