Dhageyso:-Xukuumadda Soomaaliya oo shaacisay Waqtiga la dhisayo Maxkamada Dastuuriga ee dalka

Wasiirka Wasaaradda dastuurka Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil ayaa shaaciyay  waqtiga rasmiga ah ee la dhisayao Maxkamada Dastuuriga ah ee dalka si looga gudbo isqabqabsiga iyo khilaafka siyaasadeed ee mararka qaar ka dhaca dalka.

Wasiir Xoosh ayaa sheegay in bartamaha Sanadkaan la sameyn doono Maxkamada Dastuuriga oo noqon doonta marjicii ama halkii ugu dambeysay ee loo laaban lahaa hadii uu dhaco isqabqabsi.

Wasiir Xoosh ayaa la weeydiiyay Su’aal aheyd wax ay soo kordhin karto dhisida Maxkamada Dastuuriga maadaama weli uu qabyo yahay Dastuurka dalka ayaa waxa uu ku jawaabay.

“2018 waan dhameyneynaa Dastuurka qabyada ah maxkamadana waan dhiseynaa taasi waxaa looga gudbi doonaa in Kenya iyo Jabuuti dhex dhexaadin loo tago ama mooshin leyska keeno ayuu yiri Wasiir Dastuurka Soomaaliya Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil”

Inta badan markii uu yimaado isqabqabsi dhanka madaxda dalkeena ayaa waxa ay heshiisiin u tagaan dowladaha deriska ah maadaama dalka waqtigaan aysan laheyn Maxkamad Dastuuri ah oo kala saarta.

Hoos Ka Dhageyso Codka Wasiirka Dastuurka Soomaaliya.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media