Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi, ayaa Sabtidii u ambabaxay caasimadda dalka Turkiga ee Ankara. Wafdiga ayaa casuumaad rasmi ah ka helay Dowladda Turkiga, iyagoo matalaya Dowladda Soomaaliya, kana qeyb galaya wareegga labaad ee wadahadalka kala dhexeeya Itoobiya, kaasoo ay garwadeen ka tahay Dowladda Turkiga. Wadahadalkan oo la filayo in uu furmo maalinta Isniinta ah ee 12-ka August 2024, ayaa horey dib loogu soo dhigay muddo seddex toddobaad ah.
Waxaa la rajeynayaa in wadahadalkaasi uu wax ka beddelo xaaladda diblomaasiyadeed ee gobolka iyo xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya. Dowladda Turkiga oo martigelineysa wadahadalkan ayaa doorkeeda kor u qaadeysa si ay qayb uga noqoto xalinta khilaafaadka gobolka Geeska Afrika. Isku daygan waa qayb ka mid ah dadaallada lagu xoojinayo nabadda iyo iskaashiga labada dal, iyadoo la rajeynayo in heshiis la taaban karo laga gaaro.