Wafdi ka socda Dowladda Federaalka oo gaaray Cadaado iyo ujeedka socdaalkooda

Wasiirka arrimaha gudaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud.

Wafdiga wasiirka waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhoweeyey wasiir dowlaha arrimaha gudaha Galmudug Cumar Maxamed Diiriye, wasiirka amniga Galmudug Maxamed Cabdi Gaboobe iyo mas’uuliyiin kale.

Wafdiga oo uu qayb ka ahaa guddoomiye ku- xigeenka amniga iyo siyaasadda gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye Yabooh ayaa u amba-baxay degmada Baxdo, halkaas oo ay kula kulmayaan maamulka iyo bulshada degmada, si loogu dhiirri galiyo dagaalka ay kula jiraan Alshabaab.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor