Wafdiga Madaxweyne Farmaajo oo Gaaray Magaalada Baydhabo (SAWIRRO)

Wafdi uu hogaaminaayo madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa goor dhow ka dagay garaoonka diyaaradaha Shaati-gaduud ee magaalada Baydhabo, waxaana halkaasi si diiran ugu soo dhaweeyey madaxdaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed iyo masuuliyiin kale.

Madaxweyne Faraamjo ayaa Baydhabo u tagay indho indheynta xaaladaha abaaraha ka jira deegaanada Koonfur Galbeed, waxaana uu booqan doonaa inta uu joogo magaalada xeryaha ay ku jiraan dadka barakacayaasha ee ka soo hayaamay abaarta ka jirta qeybo ka mid ah dalka.

Sidookale madaxweynaha ayaa la kulmi doono madaxda maamulka oo uu kala hadli doono dhibaatooyinka abaaraha deegaanada Koonfur Galbeed iyo sidii wax looga qaban lahaa.

Amaanka Baydhabo ayaa aad loo adkeeyey, iyadoo maanta gudaha magaalada lagu arkayey ciidamada oo heegan buuxa la galiyey, si ay u xoojiyaan amniga, una xaqiijiyaan inta uu madaxweynaha joogo Baydhabo.

Halkaan hoose Ka Daawo SAWIRRADA:

 

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media