Wafdi ka socda Wasaaradda Gaashaandhigga Dalka Qadar ayaa saaka magaalada Muqdisho soo gaaray, iyagoo hadda kulumo la leh Madax ka tirsan Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Kulunka Madaxda Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Wafdiga ka socda Dalka Qatar ayaa la sheegay in looga wada hadlayo kaalinta Dowladda Qatar ay ka geysan karto dib u dhiska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya.
Dowladda Qatar ayaa ka mid ah Dowladaha Soomaaliya ka caawiya dhinacyada Horumarinta iyo maalgashiga,iyada oo xiriir wanaagsan la leh Madaxda hadda haaya talada dalka Soomaaliya.