Wafdi ka socda Shiinaha oo loo diiday inay galaan Baarlamaanka UK & sababta keentay

Afhayeenka Aqalka baarlamaanka Britain, Sir Lindsay Hoyle, ayaa diiday codsi loo soo gudbiyey, oo ah in la galo Westminster Hall, sababo la xiriira cunaqabateynta Shiinuhu kusoo rogeen shan xildhibaan iyo labo saaxiibo la ah, Politico ayaa markii ugu horreysay sidaasi qortay.

Boqorada Elizabeth-da Labaad, ayaa lagu wadaa in halkaasi la dhigo, illaa iyo aaskeeda, oo ku beegan maalinta Isniinta ah. Maamulka aqalka baarlamaanka, ayaa BBC-da u sheegay inaysan ka hadlin arrimaha ammaanka.

Sannadkii hore, Shiinaha ayaa xayiraad dhanka socdaalka ah, iyo xannibaad dhanka hantida ah kusoo rogay sagaal qof oo Ingiriis ah, oo ay ku jiraan toddobo xildhibaan, kadib markii ay Beijing ku eedeeyeen inay si xun ula dhaqanto Muslimiinta Uighur.

Taasi ayaa waxay keentay in safiirka Shiinaha ee UK laga mamnuuco baarlamaanka, iyadoo tallaabadaas haatan lagu kordhiyay horjoogsiga wafdi doonayay inay ka qeyb galaan aaska boqorad Elizabeth-da Labaad.

Xiriirka UK iyo Shiinaha, ayaa kal hore u xumaaday mamnuucis ay isu isticmaaleen labada dhinac, iyadoo aaney u badneyn in dhawaan laga heshiiyo.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor