Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sadiq Xirsi Warfa ayaa ka qeybgalay shir weynaha mustaqbalka shaqada oo maanta ka furmay Magaalada Paris ee caasimadda dalka Faransiiska.
Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa shirka ku soo bandhigaya dadaallada xukuumadda Soomaaliya ee xal u helida shaqo la’aanta.
“Xukuumadda iyo wasaaradda aan hoggaamiyo ee mas’uulka ka ah shaqada waxay dadaal muuqda sannadkii u dambeeyay galisay sidii loo heli lahaa fursado shaqo, taas ayaana ah midda aan ka duuleynayo maaddama tirada ugu badan ee bulshadeennu ay dhallinyaro yihiin.” ayuu yiri Wasiir Sadiq.
Shir weynaha ayaa inta uu socdo qodobbada kale ee diiradda la saarayo waxaa ka mid ah sida ugu dhow ee ay u wada shaqeyn karaan Dowladda, Loo shaqeeyaha iyo Shaqaalaha, si wada jir ahna uga shaqeyn karaa horumarka dalka.