Magaalada Baydhabo ee Caasimadda KMG ah ee Maamulka Koonfur Galbeed ayaa Maanta waxaa gaaray wafdi ka socda dowladda Federaalka, iyadoo halkaas lagu soo dhaweeyay.
Wafdigan ayaa waxaa hogaaminayay Agaasimaha guud ee wasaaradda Arrimaha Dastuurka Xukuumadda Maxamed Abuukar Zubayr, waxaana Garoonka diyaaradaha Baydhabo kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan Koonfur Galbeed.
Ujeedka uu Agaasimaha guud ee wasaaradda Dastuurka u gaaray Baydhabo ayaa waxaa ay tahay sidii uga qeyb geli lahaa shir ku saabsan Arrimaha dastuurka, kaasi oo maalinta berri ka furmi doona Baydhabo.
Sidoo kale Shirkan ayaa waxaa ka qeyb galaya agaasimahyaasha Guud ee Wasaaradaha Dastuurka heer Fedeeaal iyo Heer Dowladaha xubnaha ka ah federaalka Soomaaliya.