Wadooyinka qaar ee Magaalada Muqdisho oo Maanta xiran

Ciidamo farabadna oo ka tirsan kuwa dowladda Federaalka Somaaliya ayaa lagu arkayaa qeybo kamid ah Wadooyinka Waaweyn ee ku yaalla Gudaha Magaalada Muqdisho kuwaas oo meelaha qaar u diidaya in ay gaadiidka isticmaalaan.

Ciidamada ayaa isugu jira Booliis iyo Nabad-Sugid,waxaana loo maleynayaa in ay yihiin kuwa loogu talo galay xasilinta amniga Muqdisho,iyadoo inta badan Wadooyinka Maka Al-Mukarama,tan Wadnaha iyo waliba tan 30,ka ay xiran yihiin

Majiraan wax Gaadiid ah oo ka shaqeynaya Wadooyinka qaar ee M/Muqdsho xataa markii  waa ayna xiranyihiin dadka aayana cagtooda maalaya dowladdana ilaa iyo hada ma faah faahin sababta ay Maanta Wadooyinka qaar ee Muqdisho u xirtay dadka Cagtooda maalayana aniga ayaa kamid ah sidaasi waxaa yiri qof Wadadaas ku soo lu geeyay oo Radio Dalsan la hadlay.

War ay heleyso Idaacadda Dalasn ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu sheegayaa in lagu wado in Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre,uu dhagax dhigo Wadada 30,ka si Dayactir loogu sameeyo taas oo kamid ah Wadooyinka burbursan ee ku yaalla Gudaha M/Muqdisho

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media