Maanta ayaa la filayaa in dalka Jabuuti uu ka furmo shir dib-u heshiisin ah oo u dhaxeeya Madaxda Maamulada Galmudug iyo kan Gobolada Dhexe ee Ahlusuna Waljamaaca.
Shalay ayaa waxa Jabuuti gaaray laba wefdi ay kala hoggaaminayeen Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo Madaxweynaha Maamulka Gobolada Dhexe Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan.
Shirkan ayaa ah wajigii labaad,waxana kan kii ka horeeyay uu ka dhacay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya iyada oo uu Garwadeen ka yahay Urur Goboleedka IGAD.
Madaxweynaha Maamulka Gobolada dhexe ee Ahlusuna Sheekh Maxamed Shaakir ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay wadahadaladaas Maanta Jabuuti uga furmaya Masuuliyiinta Ahlusuna iyo Glmudug.
Labada Maamul Madaxdooda ayaa waxaa ka dhaxeeya khilaaf Siyaasadeed,waxaana Axmed Ducaale Geelle Xaaf uu horay dhowr mar ku cel celiyay in uu doonayo in uu la heshiiyo Maamulka Gobolada Dhexe ee Ahlusuna.