Wareegii ugu dambeeyay ee wadahadalada nabadeed ee u dhaxeeyay dowladda Itoobiya iyo wakiillada Gobolka Tigray ayaa wakhti dheeri ah lagu daray, iyadoo taliyayaasha ciidamada ay ka shaqeynayaan tafaasiil ku saabsan hub ka dhigista ciidamada Tigrayga kadib laba sano oo colaad ah.
Sarkaal la socda wadahadalladan oo codsaday in aan la magacaabin maadaama aan loo oggoleyn inuu ka hadlo arrinkan, ayaa xaqiijiyay wakhtiga dheeriga ah ee lagu daray socoshada shirkan Khamiistii.
Wadahadalladii Isniintii ka furmay Kenya ayaa lagu waday in la soo afjaro Arbacadii.
Wadahadallada uu hoggaaminayo Midowga Afrika ayaa daba socda saxiixii todobaadkii hore ee “xabbad-joogtinta rasmiga ah” ee colaadda oo lagu qiyaasay inay ku dhinteen boqollaal kun oo qof.
Heshiisku wuxuu dhigayaa in ciidamada Tigray-ga hubka laga dhigo toddobaadyo gudahood, balse waxaa jira walaac laga qabo marka dagaalyahannada kale ee aan heshiiskan qaybta ka ahayn ay ka baxaan Tigrayga.